Hal Arin Oo Arsenal Ka Hor Istaagi Karta In Ay Qaab Toos Ah Ula Wareegto Martin Odegaard Oo La Ogaaday.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ka cabsi qabto in ay waydo fursad ay qaab toos ah ula wareegto saxiixa xiddiga Martin Odegaard sabab la xidhiidha qiimaha ay Real Madrid doonayso in ay ku iibiso xiddiga.

Xiddiga 22 jirka ah aya qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu Gunners ku soo biiray suuqii January xilli ay kooxdu doonayso in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga.

Los Blancos ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga Martin Odegaard xilli ay doonayso in ay lacag u uruuriso saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Wargayska Football Insider ayaa sheegaya in ay Real Madrid haatan xiddiga Martin Odegaard ku qiimayso lacag dhan 35 milyan oo euro laakiin qiimahaas kor ugu kici doono 50 ilaa 60 milyan hadii uu xiddigu sii wado qaab ciyaareedka fiican ee uu ku soo bandhigayo Arsenal.

Martin Odegaard Ayaa haatan Real Madrid kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 ah waxana uu Arsenal u dhaliyay 2 gool 12 kulan oo uu u ciyaaray Gunners tan ilaa suuqii January.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Aan Loo Iloobin Jacaylka Ugu Horeeya?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*