Hal Arin Darteed , Griezmann Oo Ka Tagi Kara Barcelona , Xilli Laba Koox Ay La Yimaadeen Qorshe Ay Ku Heli Karaan

Kooxaha Juventus iyo Inter Milan ayaa heeggan ugu jira in jiilaalka ay helaan saxiixa xiddiga ku jahwareersan Barcelona ee Griezmann

Labada koox ayaa u bandhigay Barcelona hindise ah in laaicbkaas reer France ay January ku helaan qaab amaah

Griezmann ayaa xagaagii aad loogu badiyay in uu ka tagayo Camp Nou balse ma dhicin , sidaas oo ay tahay laacibka cago badan kuma taagna

Calciomercato ayaa soo xiganeysa in laacibka uu si weyn uga careysan booska uu Barcelona uu uga ciyaaro ee ah garab middig weerar tasinaay keeneyso in uu baxo

Maclainka Barcelona ayaa hoosta ka xariiqay in laacibka uu ku qasban yahay in uu ka ciyaaro booka loo xil saaray waliba uu hormar ka sameeyo halka laacibka uusan ku qanacsaneyn go`ankaas

Juve oo ah kooxda u muuqata in ay dhab ka tahay doonista Griezmann waxa ay Barcelona u bandhigeen in ay ku qaadanayaan wiilkaas amaah gaareysa hal xilli ciyaareed ugu dambeynna ay iibsan doonaan

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*