Hakim Ziyech Oo Markii Ugu Horaysay Tababar La Qaatay Kooxdiisa Cusub Ee Chelsea (Sawiro).

Xiddiga cusub ee kooxda chelsea ee Hakim Ziyech ayaa markii ugu horaysay tababar la qaatay kooxda chelsea kadib markii uu ku soo biiray kooxda bishii february ee sanadkan.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Hakim Ziyech ayaa kooxda chelsea u noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay samayso iyaga oo 34 milyan oo euro kagala soo wareegay kooxda Ajax.

Xiddiga ayaa Blues ah si Rasmi ah u noqday bilowgii bishan haatan lagu jiray waxana uu maanta chelsea la qaatay tababarkii ugu horeeyay tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Xiddiga ayaan tababarka buuxa la qaadanayn xiddigaha chelsea maadama ay maanta Blues isku diyaarinaysay kulanka Shefield United waxana tababar gaar ah siinayay shaqaalaha tababarka.

Xiddiga reer Morocco ee Hakim Ziyech ayaa la kulmay Halyeeyga Petr Čech kaas oo haatan ka mid ah shaqaalaha kooxda Blues.

Image

Image

Image

Image

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*