Hadii Aan Bilowgii Iman Lahaa, Ac Milan Waxa Ay Ku Guulaysan Lahayd Horyaalka Serie A-da.

Weeraryahanka kooxda Ac Milan ee Zlatan Ibrahimović ayaa ka hadlay guushii weynayd ee ay kooxdiisu ka gaadhay kooxda Juventus kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da.

Zlatan Ibrahimović ayaa door weyn ka qaatay guushii ay Ac Milan 4/2 uga gaadhay kooxda Juventus inkasta oo ay Juve 2 gool oo deg-deg ah ku hor martay ciyaarta.

Khabiirka oo ciyaarta kadib arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Anigu waxa aan ahay qof weyn, arintaas si ma ahan, Da’du waa Lambar kaliya waxana aan u shaqeeyaa si fiican waxana aandareemayaa raaxo kaliya waxa aan doonayaa in aan caawiyo kooxda”.

“Anigu waxa aan ahay Madaxweynaha kooxda, tababaraha kooxda iyo waliba ciyaarto mushaharkiisa qaata, hadii aan halkan joogi lahaa bilowgii xilli ciyaareedkan, Waxa aan hubaa in ay Ac Milan ku guulaysan lahayd horyaalka Serie A-da”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*