Haaland, Salah, Mbappe, Mane, Firmino & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa isaga baxay baacsigii ay ugu jireen saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland Kadib markii uu xiddigu dalbaday 30 milyan oo euro mushahar ah sanadkii (Goal).

Kooxda Man United ayaa diyaar u ah in ay dar-dar galiso xiisaha ay u qabto saxiixa daafaca kooxda Fiorentina ee Nikola Milenkovic Laakiin kooxda reer Italy ayaa doonaysa in ay xiddiga ku iibiso 40 milyan ugu yaraan (Sun).

Kooxda PSG ayaa xiddiga Kylian Mbappe cadaadis ku saaraysa in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda laakiin xiddiga 22 jirka ah ayaan doonayn heshiis muddo fog ah (L’Equipe).

Kooxda Real Madrid ayaa diiday in ay si toos ah u iibiso xiddiga Matin Odegaard kaas oo Amaah kula jooga kooxda Arsenal (Marca).

Xiddiga aadka loo qiimeeyo ee sida weyn loola xidhiidhinayo kooxaha Real Madrid, Arsenal iyo Man United ee Eduardo Camavinga ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Rennes (Marca).

Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara koxoda Fulham ee Joachim Andersen kaas oo uga maqan Qaab amaah ah kooxda Lyo (B.T).

Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa in ay tababare cusub ka dhigato tababare Massimiliano Allegri si uu shaqada uga badalo Hanzi Flick (Sport Mediaset).

Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga daafaca uga ciyaara ee Samuel Umtiti waliba badalkiisa u dhaqaaqdo xiddiga kooxda Ac Milan ee Alessio Romagnoli (Mundo Deportivo).

Kooxda Barcelona ayaa la xidhiidhay wakiilka xiddiga kooxda RB Leipzig ee Dani Olmo kaas oo u soo ciyaara Akademiyada kooxda (Sport).

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay midkood iska iibin doonto xiddigaha Sadio Mane, Mohamed Salah Iyo Roberto Firmino suuqa xagaaga (Echo).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Ka Ilmaysiinaya Gabadha Aad U Dirto, Hadda U Dir Gacalisadaada!

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*