Haaland Oo Ku Fashilmay In Uu Bar-Bareeyo Rikoodh Uu Cristiano Ronaldo Dhigay.

Erling Haaland ayaa lumiyay fursad uu ku jabin lahaa rekoodhka Cristiano Ronaldo ee kulamadii ugu yaraa ee loo baahnaa si uu 100 gool u dhaliyo hal koox.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway ayaa arbacadii soo galay kulankii Inter isaga oo dhaliyay 99 gool 103 kulan oo uu ciyaaray waxana uu u baahnaa hal gool si uu u jabiyo Rikoodhkii Ronaldo ee 100 gool uu ku dhaliyay 105 kulan oo uu u saftay Real Madrid.

Si kasta ha ahaatee waxa uu ku fashilmay in uu gool dhaliyo waxana uu haatan kaliya la bar-barayn karaa Ronaldo hadii uu dhaliyo gool kulanka premier League ee Arsenal Maadama uu noqon doono kulankiisii 105-aad uu u ciyaaray Man City.

Xiddiga reer Norway ayaa wacdaro ka dhigaya premier League isaga oo dhaliyay 9 gool 5 kulan oo uu u ciyaaray Man City.

Xiddiga Haaland ayaa hogaaminaya gool dhalinta premier League waxana uu doonayaa in uu bar-bareeyo Ronaldo Axada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga