Haaland Oo Digay Kooxaha La Tartamaya Man City

Erling Haaland ayaa qirtay in uusan waqtiyadii u dambeeyay ahayn mid fiican balse wuxuu uga digay kooxaha ay Manchester City kula tartamayso in uu ku dhow yahay inuu siiyo “waxa qof walba iga mudan yahay kana filayo” isaga.

Haaland wuxuu ku adkeystay inaysan jirin wax marmarsiiyo ah oo ku saabsan bandhigyadiisii u dambeeyay, balse wuxuu dhaliyay goolka guusha kulankii ay Manchester City 2-1 kaga adkaatay Liverpool Axaddii ka dhacay Anfield, kaddib markii ay si dambe ah u rogeen natiijada ciyaarta.

Haaland ayaa sidoo kale caawiye ka noqday goolkii uu dhaliyay xiddiga Brenardo Silva iyadoo guushaas ka dhacday Merseyside ay u saamaxday taageerayaasha City ee safarka ku yimid inay arkaan guushoodii ugu horreysay ee garoonkaas tan iyo 2003, isla markaana ay Blues-ka dib ugu soo laabteen tartanka hanashada horyaalka.

Haaland ayaa haatan leh 21 gool oo Premier League ah xilli-ciyaareedkan, isagoo afar gool ka horreeya Igor Thiago oo ka tirsan Brentford tartanka Kabta Dahabka (Golden Boot).

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hadda laga joogaa sagaal kulan oo horyaalka ah tan iyo markii uu gool ka dhaliyo ciyaar furan.

Waxaa jiray soo jeedin ah in xiddiga reer Norway, oo culays ciyaareed badan soo maray lixdii bilood ee la soo dhaafay—iyadoo uu u ciyaarayay Manchester City iyo xulkiisa qaranka oo isu diyaarinaya Koobka Adduunka ee xagaaga dambe—arrintaas ay saameyn ku yeelatay qaab-ciyaareedkiisa.

Xaaladdaasna waxaa sii adkeeyay maqnaanshaha Omar Marmoush oo la jiray xulka Masar intii lagu jiray Koobka Qaramada Afrika (AFCON), xilli uu jadwalku ahaa mid aad u ciriiri ah.

Si kastaba ha ahaatee, Haaland oo 25 jir ah ayaa diiday in daal loo cuskeeyo sababta ka dambeysa qaab-ciyaareedkiisa liita ee dhowaanahan, wuxuuna diiradda saaraya horumarinta naftiisa iyo sidii uu Manchester City ugu soo dhoweyn lahaa hoggaamiyeyaasha horyaalka, Arsenal.

Wuxuu yiri: “Tan iyo bilowgii sanadkan ma aanan dhalin goolal ku filan, sida aad dhihi karto, waana ogahay inaan u baahanahay inaan is hagaajiyo.”

“Waan ogahay inaan u baahanahay inaan noqdo mid feejigan oo ka fiican dhinac walba, taasna waa wax aan u baahanahay inaan ka shaqeeyo. Waa inaan sii wataa, sababtoo ah tani waa waxa qof walba iga mudan yahay igana filayo”

“Ma doonayo inaan ka hadlo sababta aan u ciyaari waayay sidii la rabay. Uma maleynayo inay jirto wax marmarsiiyo ah. Daalka badankiis maskaxda ayuu ku jiraa. Kulamo badan baa jira”

“Eeg jadwalka, ma fududa, anigana waxa iiga muhiimsan waa inaan caafimaad qabo, oo aanan dhaawacmin. Taasi waa tan ugu muhiimsan. Kadibna inaan isku dayo inaan mar walba diyaar u ahaado caawinta kooxda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga