Haaland Oo Dhigi Kar Rikoodh Aan La Dhigin 78 Sano.

Kulanka maanta ee Man City, Erling Haaland ayaa fursad u haysta in uu dhigo rikoodh aan horay loo arkin ku dhawaad muddo 80 sano ah.

Weeraryahanka Man City ayaa dhaliyay saddexley 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League.

Hadii uu Haaland saddexley kale ka dhaliyo kooxda Brentford, waxa uu ku biiri doonaa xiddigo 3 gool ka dhaliyay 3 kulan oo xidhiidh ah premier Leagye.

Xiddigii ugu dambeeyay ee sidaas sameeyay ayaa ah xiddigii hore ee Liverpool Jack Balmer sanadkii 1946.

Waxa ka horeeyay Dixie Dean, Tom Jennings, iyo Frank Osborne kuwaas oo rikoodhkaas dhigay 1930.

Awooda uu Haaland u leeyahay in uu shabaqa soo taabto ayaa haddaba ahayd mid cajiib ah isaga oo si aan kala joogsi lahayn ugu dhaliyay Etihad isaga oo dhaliyay 17 gool 13 kulan oo horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga