Tababaraha Pep Guardiola ee Manchester City ayaa sheegay in ciyaartoydiisu ay ogyihiin waxa laga doonayo haddii ay rabaan inay ku guuleystaan horyaalka Premier League kahor Arsenal.
Arsenal ayaa 2-1 looga adkaaday AFC Bournemouth Sabtidii, taasoo ka hor istaagtay inay 12 dhibcood ku dheereeyaan hoggaanka.
Guardiola ayaa qirtay in kooxdiisu ay u baahan tahay inay noqoto mid “kaamil ah” siddeeda kulan ee u haray si ay u noqdaan horyaal.
City ayaa u safreysa inay la ciyaarto Chelsea Axadda, iyagoo doonaya inay yareeyaan farqiga u dhexeeya iyaga iyo Arsenal.
“Waa inaad guuleysataa kulan kasta, waana sameynay arrintaas hore,” ayuu yiri Guardiola.
“Sidaas darteed waan sameyn karnaa, waxaana laga yaabaa inaan si fiican u naqaano waxa loo baahan yahay si loo guuleysto.
“Hadda ma nihin kaalinta toddobaad ama siddeedaad ee horyaalka (sida xilli ciyaareedkii hore). Waxaan nahay kaalinta labaad, waxaana u dagaallameynaa horyaalka.”
Be the first to comment