Guardiola Oo Kashifay Qaabka Ay Real Madrid Kooxdiisa Man City Uga Caawin Ku Guulaysiga Champions League.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa sheegay in guul ay Man City ka gaadho Real Madrid in ay fure u noqon doonta ku guulaysiga Man City ee Champions League xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa habeen dambe marti galin doonta Real Madrid kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League kulan ka dhici doona Etihad Staduim.

Guardiola oo la hadlaya saxaafada ka hor kulanka Real Madrid ayaa yidhi”Waxa aan dareemayaa in aan diyaar u nahay kulanka bari, waxana aan dareemayaa in aan soo bandhigi doono qaab ciyaareed fiican kuna guulaysan doono kulanka, wax wlaba diyaar ayaan u nahay”.

“Si aan ugu guulaysano koobka waa in aanu garaacno Real Madrid kadib waa in aanu badino kulamada kale ee hadhay si aan ugu guulaysano champions League”.

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo guul 2/1 ah ka gaadhay Real Madrid kulankii Lugtii 1-aad ee ka dhacay Santiago Bernabu.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*