Pep Guardiola ayaa sheegay inuu sii joogayo Manchester City, xilli ay jireen warar xanta ah oo ku xirayay inuu xagaaga ka tagayo kooxda.
Markii hore, wuxuu muujiyay inuu sii joogi doono muddo aad u dheer, ka hor inta uusan raacin hadalkaas isagoo sheegay inuusan ogeyn waxa mustaqbalka dhici doona.
“Sadexdii ama afartii sano ee u dambeysay, mar kasta oo waqti gaar ah la gaaro waad i weydiisaan mustaqbalkayga. Marka haa, goor uun, marka aan gaaro 75 ama 76 jir, waan ka tagi doonaa Man City,” ayuu yiri Guardiola.
“Waxaa heshiiskayga ka haray 18 bilood. Aad ayaan ugu faraxsanahay, waan ku qanacsanahay, waana ku faraxsanahay horumarka kooxda.”
Markii la weydiiyay haddii uu sii ahaan doono tababaraha City marka xilli ciyaareedkan dhammaado, wuxuu yiri:
“Waan joogaa! Waxa dhici doona yaa og? Yaa ogaan kara?”
“Laakiin xitaa haddii aan haysto heshiis 10 sano ah ama lix bilood oo kaliya, kubadda cagta si degdeg ah ayey isu beddeshaa!”
Be the first to comment