Tababaraha Pep Guardiola ayaa ka codsaday English Football League (EFL) inay adeegsato “caqli iyo garasho si loogu oggolaado Marc Guehi inuu u ciyaaro Manchester City final-ka EFL Cup.
City ayaa wajahaysa Arsenal final-kii ugu horreeyay ee xilli-ciyaareedka 2025/26 taariikhda marka ay tahay 22-ka Maarso, kaddib markii ay ka adkaadeen Newcastle United lugaha semi-final-ka.
Si kastaba ha ahaatee, waqtigan xaadirka ah City ma heli doonto saxiixeedii Janaayo, Guehi, maadaama xeerarka tartanka ay ka hor istaagi karaan inuu ka qeyb galo final-ka.
Guardiola ayaa rajeynaya in maamulka tartanku ay tixgeliyaan xaaladda oo ay u oggolaadaan daafaca inuu ciyaaro kulanka weyn.
Marc Guehi ayaa kursiga keydka kasoo galay oo xitaa gool dhaliyay kulankii ay Manchester City 2-0 kaga adkaadeen Salford City wareegga afaraad ee FA Cup Sabtidii.
Saxiixa £20 milyan uga yimid Crystal Palace ayaa loo oggolaaday inuu ciyaaro, inkastoo uu hore uga soo muuqday isla tartankan xilli-ciyaareedkan isaga oo matalaya kooxdiisii hore.
FA ayaa xilli-ciyaareedkan wax ka beddeshay xeerarkeeda, iyadoo oggolaatay in ciyaartoydu u ciyaari karaan wax ka badan hal koox isla tartanka gudaheed hal xilli-ciyaareed.
Si kastaba ha ahaatee, xeerarka EFL Cup (Carabao Cup) ma aha kuwo la mid ah, taasoo ka dhigan in ciyaaryahan hore uga soo muuqday tartanka uu la qaadan karo koox kale laga yaabo inaan loo oggolaanin inuu mar kale ka ciyaaro isla xilli-ciyaareedkaas.
Guehi ayaa hadda aan loo oggolaan karin inuu ka ciyaaro Wembley kulanka ay la leeyihiin Arsenal, sababo la xiriira xeer waqtiyeed dhigaya in ciyaartoygu uu diyaar u ahaado kooxdiisa labaad ka hor lugta hore ee semi-final-ka.
Manchester City ayaa si rasmi ah uga codsatay English Football League (EFL) inay sameyso ka-reebis gaar ah (exception) oo loo oggolaado Guehi inuu ciyaaro final-ka EFL Cup.
Tababaraha City, Pep Guardiola, ayaa mar kale carrabka ku adkeeyay codsigaas kaddib guushii ay ka gaareen Salford, isagoo ku baaqay in la adeegsado “caqli iyo cadaalad,” si ciyaaryahanka loogu oggolaado inuu ka qeyb galo kulanka final-ka.
“Tusaale ahaan, ma ciyaari karo final-ka EFL Cup,” ayuu tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, u sheegay BBC isaga oo ka hadlayay Marc Guehi.
“Maxaa ka dhigaya inuu halkaan ka ciyaari karo, balse uusan uga ciyaari karin kan kale? Taasi ma aha wax ku saleysan caqli guud (common sense), balse waa sida ay tahay.”
Be the first to comment