Grealish, Ronaldo, Sancho, Xhaka, Messi & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Aston Villa ayaa ku rajo weyn in uu Jack Grealish iska sii joogi doono kooxda iyaga oo doonaya in ay heshiis cusub ka saxiixdaan kadib euro 2020 (Telegrah).

Kooxda Juventus ayaa filaysa in uu xiddiga Cristiano Ronaldo go’aan ka gaadho mustaqbalkiisa dhawaan kadib markii xulkiisa laga reebay euro 2020 (Tuttosport).

Lionel Messi ayaa maanta si Rasmi ah xor u noqon doona mana jirto horumar laga sameeyay heshiiska cusub ee uu u saxiixayo Barcelona (Mundo)

Kooxda Man United ayaa indha-indheeyaaal u dirtay kulankii France iyo Switerland iyaga oo daawanayay xiddiga Adrien Rabiot (Star).

Kooxda Juventus ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Granit Xhaka (Calciomercato)

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Aston Villa ee Emile Smith Rowe ayaa ogolaaday in uu heshiis 5 sano ah u saxiixo kooxda (Express).

Kooxda chelsea ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Miralem Pjanic (Sun).

Kooxda Man United ayaa gabi ahaan isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga Ousmane Dembele sabab la xidhiidha dhaawacii soo gaadhay (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa dalab Rasmi ah ka gudbin doonta Goolhayaha Kooxda Sheffield United ee Aaron Ramsdal marka uu ka soo laabto tartanka Euro 2020 (Sheffield Star).

Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Fc Porto oo ay ka doonayaan xiddiga khadka dhexe ee Otávio kaas oo ay u doonayaan badalka Gini Wijnaldum (Express).

Tababaraha Kooxda Roma ee Jose Mourinho ayaa doonaya in uu kooxdiisa keeno xiddiga weerarka uga ciyaara Man United ee Edinson Cavani (Star).

Wakiilka Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu ka shaqaynayo sidii uu xiddigu u sii joogi lahaa Turin (Mirror).

Kooxda Bayern Munich ayaa Liverpool iyo Man United u sheegtay qiimo aad u badan oo ay ku heli karaan saxiixa xiddiga Kingsley Coman (Express).

Kooxda Borussia Dortmund ayaa ogol in ay aqbasho dalabkii ugu dambeeyay ee ay Man United ka gudbisay saxiixa Jadon Sancho (Metro).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*