Granit Xhaka Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Xilli Inter Milan Doonayso In Ay Arsenal Kaga Badalato Christian Eriksen.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayay u badantahay in uuna ka tagi doonin kooxda Arsenal marka la gaadho suuqa January.

Xiddiga reer Switzerland ayaa si joogto ah ugu ciyaara Arsenal tan ilaa markii uu Mikel Arteta yimid kooxda Arsenal isaga oo xiddig muhiim ka ah kooxda.

Kooxda Inter Milan ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga khadka dhexe iyaga oo la sheegayoin ay u soo bandhigayso xiddiga Christian Eriksen Arsenal si ay u hesho xiddiga Xhaka.

Laakin wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in uu Xhaka iska diiday in uu ka tago kooxda Arsenal suuqa January kuna biiro Inter Milan.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa Arsenal u ciyaaray 10 kulan xilli ciyaareedkan waxana uu u arkaa mid laf dhabar u ah Arsenal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*