Graham Potter Oo Xaqiijiyay Laba Xiddig Oo Seegi Doona Kulanka Crystal Palace.

Tababaraha kooxda Chelsea Graham Potter ayaa xaqiijiyay in N’Golo Kante iyo Marc Cucurella ay seegi doonaan kulanka ay Blues la ciyaari doonto Crystal Palace Sabtida.

Kante, oo 31 jir ah, ayaa dhawaan daawac ka soo laabtay waxana uu ka qayb qaatay tababarka intii lagu jiray fasaxii xulalka waxana la filayay in uu diyaar u noqdo kulanka Crystal Palace.

Cucurella, dhanka kale, waxa uu sideed kulan u saftay tartamada oo dhan kooxda uu hogaamiyo Graham Potter xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League.

“Waxay ku fiican yihiin marka la eego sida ay uga soo kabsanayaan dhaawaca, Kante waxa uu ku jira tababarka fudud waxana uu ciyaari karaa kulanka todobaadka dambe”ayuu Potter yidhi.

“Marc Cucurella Waxa uu kulanka ku seegi doonaa xanuun, waxana ay u badantahay in uu ay seegi doonaan kulanka”ayuu sii raaciyay.