Graeme Souness Oo Sharaxay Doorka Muhiimka Ah Ee Uu Philippe Coutinho Ka Qaaday Guulaha Liverpool.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Graeme Souness ayaa rumaysan in uu Philippe Coutinho si aan ula kac ahayn door muhiim ah uga ciyaaray ku guulaysiga Liverpool ee Premier Leaggue.

Reds ayaa Coutinho ka iibisay Barcelona snaadkii 2018 iyaga oo ku iibiyay 142 milyan oo euro iyaga oo waliba 2 sano Barcelona ka hor istaagay in ayna kala wareegin xiddig kale.

Wakhtigaas Liverpool ayaa u muuqatay kuwo hoos u dhac ku iman doono kadib markii ay iska fasaxeen xiddigiiugu fiicnaa kooxda laakiin si maskax ku jirto suuqa ugu galay lacagtiisii.

Reds ayaa 75 milyan kula soo saxiixatay Virgil Van Dijk halka ay 67 milyan kula oo wareegtay Goolhaye Alisson labadaas xiddig oo door weyn ka qaatay ku guulaysiga Liverpool oo koobabka labadii sano ee ugu dambeeyay.

Halyeeyga Reds ayaana ku adkaysanaya in lacagtii ay Liverpool Ka heshay Coutinho uu ahaa suuqii ugu fiicnaa ee ay Abid kooxdu samaysy.

“Qaab ciyaareedka fiican ee joogtada ah tababaraha ayaa ka dambeeya”ayuu Souness u sheegay Sky Sport.

“Marna kama daalayo in aan yidhaahdo arintan, guul ma gaadhaysid ilaa aad haysato tababare fiican waxan u malaynayaa in uu tababaruhu ka dambeeyo qaab ciyaareedka fiican ee joogtada ah”.

“Waxan u malaynayaa in uu Coutinho door muhiim ah ku leeyahay guulaha Liverpool, waxa ay ku iibiyeen 160 milyan iyo wax walba oo ay ahayd, waxa ay heleeen Van Dijk iyo Alisson walina waxa u hadhay lacag waa suuqii ugu fiicnaa ee ay kooxdu abid samaysay”.

Sii Akhriso: XASAASI: Somaliya Oo Ciidamo U Dirtay Dalka Liibiya Oo Uu Dagaalka Xoogan Ka Socdo & Hooyooyin Xaqiijiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*