Graeme Souness Oo Magacaabay Kooxda Man City Kula Tartami Doonta Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedka Dambe.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Graeme Souness ayaa sheegay in ay kooxda chelsea tahay kooxda kaliya ee xilli ciyaareedka dambe Man City kula tartami doonta ku guulaysiga horyaalka premeir League.

Chelsea ayaa ku jirta qaab ciyaareed fiican tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda waxana ay ka dambaysaa 20 dhibcood hogaamiyayaasha horyaalka ee Man City.

Laakiin Graeme Souness ayaa aaminsan in ay Chelsea haysato koox ay xilli ciyaareedka dambe ugu tartanto ku guulaysiga horyaalka premeir League xilli ciyaareedkan.

“Marka aad eegto kooxda chelsea, sida uu yahay kaydkooda iyo kooxda ay ku bilowdeen waa kooxda 2-aad ee ugu fiican kadib Man City”ayuu Graeme Souness yidhi.

“Waxan u malaynayaa in ay Man City haysato kooxda ugu fiican England laakiin chelsea ayaa ku xigta”.

“Marka laa reebo in ayna haysan xiddig dhalin kara 25 gool xilli ciyaareedka waxa ay u dhawyihiin kooxda Man City”ayuu sii raaciyay.

“Hadii ay helaan xiddig gool dhaliye ah waxa aan aaminsananahy in ay fursad fiican u haystaan ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe”ayu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*