Graeme Souness Oo Magacaabay 3-da Kooxood Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier league.

Graeme Souness ayaa ammaanay awoodda Premier League wuxuuna magacaabay saddexda Kooxood Ee ugu cadcad inuu ku guuleysto horyaalka.

Man City ayaa ku guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa ay haatanba lumisay 5 dhibcood kadib markii ay guuldaro kala kulantay Tottenham bilowgii xilli ciyaareedka sidoo kale bar-baro la gashay Southamptons sabtidii.

City ayaa haatan ku jirta kaalinta 2-aad iyaga oo 3 dhibcood ka dambeeya Liverpool kuwaas oo gaadhay guul 3/0 ah isla markaas garaacay kooxda Crystal Palace.

Man United ayaa ku jirta kaalinta 3-aad halka ay Chelsea ku jirto kaalinta 4-aad waxana ay la dhibco noqon doonaan Liverpool hadii ay badiyaan kulamada maanta.

khabiiro badan ayaa aaminsan in ay kooxaha Man City, Chelsea, United iyo Liverpool ku tartami doonaan horyaalka premier League laakiin Souness ayaa rumaysan in ay calaamad su’aal saarantahay kooxda Man United.

“Waxa aan ogolahay in horyaalka premier League yahay mid adag waliba 4-ta kooxood ee ugu sareeya yahay mid adag”ayuu Souness u sheegay The Times.

“Laakiin waxa ay calaamad su’aal saarantahay Man United sidaas darteed horyaalka waxa uu ka dhexeeyaa Chelsea, Liverpool iyo Man City”.

“United wax koob ah oo waaweyn ma aysan qaadin dhawaan waxayna ku qarashgareysay lacag aad u badan. Liverpool iyo City ayaa ahaa kooxaha fiican sanadihii ugu dambeeyay, chelsea waxa ay ku guulastay champions League”.

“Haddii aad sidaas u dhigto, waa arin la fahmi karo in kooxaha ku guulaystay koobabka ay yihiin kuwa ugu cad-cad”.

Sii Akhriso: Ma Kugu Dhacday In Gabadha Aad Jeceshahay Telefoonka Kaa Qaban Wayo Kadib Kugu Soo Celin Waydo, Ma Dhacday In Ay Ka Jawaabi Waydo Fariimahaaga, Arimahan Ayaa Sabab U Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*