Graeme Souness Oo Doortay Shaxdiisa Xulka England Ee Koobka Adduunka.

Halyeeyga Liverpool iyo Scotland ee Graeme Souness ayaa ka saaray Bukayo Saka iyo Trent Alexander-Arnold shaxdiisa xulka England ee koobka adduunka.

Xulka England ayaa koobka adduunka bilaaban doona bisha November iyaga oo isha ku haya in ay meel fiican ka gaadhaan tartanka koobka adduuunka sanadkan.

Xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa qaab ciyaareed aad u liita ku jira xilli ciyaaredkan halka uu Saka ka mid yahay xiddigaha ugu fiican Arsenal.

Laakiin labada xiddig ayaan ka soo muuqan shaxda uu Souness u doortay xulka koobka adduunka sanadkan lagu qaban doono dalka Qatar.

“Waxa aan Goolka u doornayaa Jordan Pickford, 3-da daafac John Stones, Erik Dier iyo kyle Walker”.

“Xiddigaha difaaca weerarka Ben Chilwell iyo Reece James”.

“Khadka dhexe Decland Rice iyo Jude Bellingham halka aan 3-da weerarka u doonayo Raheem Sterling, phil Foden iyo Harry Kane”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*