Gordon -> Liverpool, Rabiot -> Arsenal, Alvarez? Sancho? & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Manchester United ayaa la xiriirtay kooxaha Arsenal,Chelsea iyo Manchester City iyaga oo u soo bandhigay saxiixa xiddiga Jadon Sancho, iyadoo Sir Jim Ratcliffe uu dalbaday lacag dhan 40 milyan (TEAMtalk).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo kula jirta wakiilada xiddiga daafaca uga ciyaara Bayern Munich ee Matthijs de Ligt (The Athletic).

Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaa labaduba ka shaqeynaya sidii ay ku qancin lahaayeen weeraryahan Julian Alvarez inuu ka tago Man City xagaagan (CaughtOffside).

Kooxaha chelsea iyo Arsenal ayaa isaga baxaya tartanka ay ugu jiraan xiddiga Alexander Isak kadib markii ay Newcastle dalbatay wax ka badan 100 milyan (Sun).

Bayern Munich ayaa diyaar u ah inay ka baxdo wada xaajoodka ay Fulham kula jirto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Joao Palhinha hadii la aqbali waayo dalabkii ugu dambeeyay ee 38 milyan (Sky Germany).

Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa labaduba isha ku haya saxiixa Adrien Rabiot marka uu qandaraaskiisa Juventus dhaco bishan (Corriere dello Sport).

Kingsley Coman ayaa ka cabsi qaba inuusan mustaqbal ku laheyn Bayern Munich, waxaana uu wadahadalo la qaatay Liverpool (HITC).

Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa ku wargaliyay Arsenal inay bixiyaan 25 milyan oo euro si ay ula soo wareegto goolhaye Andriy Lunin (El Nacional).

Man City iyo Newcastle ayaa labadoodaba diiwaan galiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa daafaca dhexe ee Barcelona Ronald Araujo, kaasoo ka labalabeynaya inuu qandaraas cusub u saxiixo Camp Nou Waxaa lagu iibsan karaa 100 milyan oo euro (Marcos Benito).

Kooxda Liverpool ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga Kooxda Newcastle ee Anthony Gordon (Romano).

Kooxda Barcelona ayaa isaga baxday tartanka ay ugu jirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bayern Munich Joshua Kimmich (Mundo Deportivo).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga