Goorta Pogba Uu Saxiixayo Hishiiska Cusub Iyo Mudada Uu Gaarayo Oo La Ogaaday

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in xiddiga United ee Pogba uu u dhaw yahay in is afgarad kama dambeys ah la gaaro kooxda taasi oo ku aadan in qalinka uu ku duugo hishiis cusub.

Hishiiska Pogba ee haatan ayaa dhacaya xagaaga 2021-ka inkastoo uu jiro qodob xusaya in hal sanad dheeraad ah uu ku dari karo.

Pogba ayaa marar badan lala xariiriyay in uu baxayo xilli kooxaha Juventus iyo Real ahaayeen kuwo si weyn isha uga hayay xaaladda laacibka

Wargeyska The Sun ayaa haatan qoraya in maamulka United ay wadhaadallo wax ku ool ah la bilaabeen Pogba oo ku aadan in qalinka iyo warqadda uu is dul saaro.

Xogta wargeyska waxa ay tilmaameysaa in maamulka United ku kalsoon yihiin in hishiis kama dambeys ah la gaari doonaan Pogba waliba hishiis kordhinta lagu dhawaaqayo marka horyaalka uu dhamaado.

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Pogba uu saxiixayo hishiis gaaraya muddo 5 sano ah

Waxa ay kooxda.com xuseysaa In Pogba uu United u yimid sanadkii 2016-ka waxa uuna waqtigaas ka soo wareegay Juventus

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*