Goorta Kylian Mbappé Shaacinayo Go`aanka Mustaqbalkiisa Oo La Ogaaday , Wax Waliba Waa Cad Yihiin

Kylian Mbappé ayaa u dhaw in uu go`aamiyo mustaqbalkiisa PSG taasi oo ku aadan in uu baxayo ama uu sii joogayo .

Hishiikiisa haatan ee PSG waxa uu ku siman yahay dhamaadka xilli ciyaareedkaan welina ma uusan ogalaan in qalinka iyo warqadda uu is dulsaaro.

Idaacada RMC ee France ayaa haatan daboolka ka qaadeysa in laacibka go`aanka kama dambeysta ee mustaqbalkiisa uu qaadanayo maalinta axadda

Axadda ayuu shaacinayaa halka xilli ciyaareedka dambe uu ka ciyaarayo xilli kulanka beri ee Metz iyo PSG kan ugu dambeeya xilli ciyaareedka kooxdaas.

Inta badan waxa ay wararka isla meel dhigeen in Kylian Mbappé ku biirayo Real Madrid oo uu qaab xor ah ugu tagayo ayna ka hishiiyeen wax waliba .