Goorma Ayay United Ku Rajo Weyn Tahay InAy Hishiiska Cusub Ka Saxiixdaan Pogba?

Man United ayaa rajo wacan ka leh in xiddigooda Pogba ku qanciyaan in uu qalinka ku duugo hishiis cusub

Hishiiska Pogba ee qalcadda Old Tarfford ayaa dhacaya xagaaga 2021-da balse waxaa jira qodob xusaya in uu ku dari karo hal sano dheeraad ah

Horay waxaa laacibkaas hore Juventus loola xariiriyay in uu baxayo waliba si cad ayuu sheegay balse ma dhicin

Haatan wargeyska The Mirror ayaa qoraya in United ay ku rajo weyn yihiin in Pogba qalinka ku duugo hishiis gaaraya illaa iyo xagaaga 2022-ka

Waxa uu wargeyskaas sheegaya in arintaas ay sabab u tahay xariirka maamulka United iyo wakiilka Pogba ee Mino Raiola uu soo wanaagsanaaday

Warku waxa uu intaas ku darayaa in United ay todobaadka dambe ay dadajineyso wadahadalka hishiiska kordhinta Pogba ayna ku rajo weyn yihiin in wax waliba dhamaadaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*