Goorma Ayay Real Soo Bandhigayaan Saxiixooda Cusub Ee Alaba ?

Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday goorta ay taageerayaasha u soo bandhigayaan saxiixooda xagaaga ee David Alaba

Laacibkaas ayaa xagaagaan qaab xor ah ugu yimid Real kadib markii uu dhameystay hishiiskii uu ugu joogay Munich

Berito oo arbaca ah ayay Real sheegeen in saxaafadda iyo taageerayaasha loo soo bandhigayaa laacibkaas  waliba marka ay saacadda africa tahay 1.30 duhurnimo

Laacibka ayaa fasax ku maqnaa ka dib markii qarankiisa uu kala qeyb galay koobkii qaramada yurub ee 2020

Alaba ayaa Real u saxiixay hishiis gaaraya 5 sano waxa uuna kooxdaas la joogayaa illaa iyo xagaaga 2026-da

Waxaa xusid mudan in Alaba uu Munich u soo  safay 431 kulan waxa uuna noqday ajnabigii ugu horeeyay ee kulamada ugu badan ee Munic safta

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*