Goorma Ayay Man City Ku Guulaysan kartaa Horyaalka Premeir League?

Kooxda Man City ayaa ku sii dhawaanaysa ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyada oo ay haatan kaliya hadhsantahay in la ogaado wakhtiga ay Man City u dabaal dagi doonto horyaalka premier League.

Man City ayaa garaacday Fulham Todobaadkan iyaga oo kaga badiyay 3/0 waxana ay heshay 71 dhibcood iyaga oo gaadhay guushoodii 22-aad ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man City ayaa 14 dhibcood ka horaysa kooxda ugu dhaw e Man United waxana ay ku sii dhawaanaysaa ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Dhamaadka horyaalka premier League waxa ka hdiman 9 kulan waxana ay kooxda Man City kaliya u baahantahay 13 dhibcood si ay qaab Rasmi ah ugu guulaysato horyaalka premier League.

Hadii ay Man City sii wado guulaha kulamada soo socda ee horyaalka premier League waxa ay kooxdu si Rasmi ah ugu guulaysan doontaa horyaalka kulanka chelsea ee sabtida 8 bisha May ee soo socota.

Waxa intaas sii dheer in ay Man City u dabaal dagi karto horyaalka Premier Leaue hadii ay Man United kufto kulamada soo socda ee horyaalka premier Leageu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*