Goorma Ayay Barcelona Ku Dhawaaqeysaa Saxiixa Eric Garcia, Xogo Cusub Ayaa Soo Baxay.

Barcelona ayaa lagu waramayaa in si weyn ugu kalsoon yihiin in ka hor inta bishaan dhamaan ay helayaan saxiixa Eric Garcia.

Laacibkaas 20 sano jirka ah ayaa hishiiskiisa Man Cuty waxa uu dhacayaa June waxaana aad loogu badinayaa in camp Nou uu ku laabanayo .

Laacibkaas ayaa qaab xor ah uga tagaya City waxaana sidoo kale si weyn u doonaya saxiixiisa kooxaha Arsenal iyo PG .

Eric Garcia ayaa kaliya xilli ciyaareedkaan waxa uu Man Cuty u saftay 10 kulan waana midda cirka ku sii shareertay in uu baxayo .

Si waliba oo ay ahaato , wargeyska Sport ayaa sheegaya in Barcelona u badan tahay in saxiixa Eric Garcia helaan ka hor inta bisha April aysan dhamaan

Warka waxa uu intaas ku darayaa in ay u bandhigeen laacibka hishiiska gaaraya muddo 5 sano ah , waxa uuna City u yimid sanadkii 2017-kii xili uu si cad u sheegay in hishiis cusub u saxiixeyn kooxdaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*