Goorma Ayay Ahayd Markii Ugu Dambaysay Ee Uu Sergio Ramos Seegay Kulanka El Clasico?

Xiddiga Sergio Ramos ayaa seegi doona kulanka El Clasico ee horyaalka La Liga ee ay kooxdiisa Real Madrid marti galin doonto kooxda Barcelona kana dhici doona garoonka Alfredo di stefano.

Labada kooxood ayaa isha ku haya in ay guul ka gaadhaan kulanka si ay u soo yareeyaan dhibcaha ay ka dambeeyaan kooxda Atletico Madrid ee hogaaminaysa horyaalka.

Kooxda Barcelona ayaa 2 dhibic ku qaban doonta horyaalka La Liga hadii ay badiso halka ay Real Madrid la dhibco Noqon doonto Atletico madrid hadii ay badiso kulanka.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay uu kulankan noqon doono kulankii ugu horeeyay ee horyaalka La Liga ee uu Sergio Ramos ka maqnaan doono kulanka El Clasico halka uu kulankii 2-aad noqon doono in uu seego kulanka El Clasico tartamada oo dhan.

Waxa intaas sii dheer in markii ugu dambeeyay ee Sergio Ramos seegay kulanka El Clasico tahay xilli ciyaareedkii 2010/2011 kulan ka tirsanaa Semi-final-ka champions League isaga oo ganaax ku seegay kulanka waxana uu kulankaas ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah.

Sergio Ramos ayaa ciyaaray 31 kulan oo xidhiidh ah kulanka El Clasico horyaalka La Liga halka uu tartamada oo dhan ka hor tagay 45 kulan waxana uu ka dhaliyay 5 gool.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*