Goorma Ayaa U Dambaysay Liverpool Oo Dhibco Ku Lumiso Anfield Premier League?

Kooxda Liverpool ayaa bar-baro la gashay kooxda Bunrley kulan ka dhacay Anfield kana tirsan todobaadkii 35-aad ee horyaalka Premier League.

Liverpool ayuu goolka u dhaliyay xiddiga Andy Robertson kaas oo gool madax ah u dhaliyay kooxdiisa kulan ay Reds bar-baro gashay markii ugu horaysay muddo aad u dheer.

Kooxda Liverpool ayaan wax dhibco ah u kulmin garooka Anfield markii ugu horaysay tan ilaa bishii January 2019 markaas oo ay bar-baro 1/1 ah la galeen kooxda Leicester City kulan ahaa xilli ciyaareedkii hore.

Waxa intaas sii dheer in ay Liverpool guul gaadhay 24 kulan oo ay ku ciyaartay garoonkeeda Anfield horyaalka prmeier League tan ilaa markii ay 1/1 la gashay Leicester City.

Sii Akhriso: Shirka Wadatashiga Dowlad-goboleedyada Somalia Oo Lagu Soo Hadal Qaaday Somaliland.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*