Goorma Ayaa La Ciyaari Doonaa Semi-Final-ka, UEFA Nations League, Xulalka U Soo Baxay & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Tartanka Xiisaha Leh.

Xilli ciyaareedkii 2-aad ee UEFA Nations League ayaa gaadhay Warega Semi-final-ka iyada oo haatan si Rasmi ah loo ogaaday xulalka isugu soo gadhay wareegyada Final-ka.

Kadib markii tartanka la bilaabay bishii September iyada oo lagu jiro xanuunka Korona kulamada ayaa si deg-deg ah loo ciyaaray.

Xulalka ugu awooda weyn yurub ayaa isaga hor yimid si ay ugu tartamaan koobka ay sanadkii hore ku guulaysteen xulalka Portugal iyo Cristiano Ronaldo.

Hadaba waa Goorma wareega Semi-finalka tartanka halkee ayaa lagu ciyaari doonaa waana kuwee xulalka ilaa haatan u soo baxay tartanka:

Goorma Ayaa la ciyaari doonaa Semi-finalka tartanka UEFA Nations League?

Kulamada final-ka tartanka UEFA Nations League waxa la ciyaari doonaa bisha October 2021 ugu yaraan 3 kadib markii la dhamastiray wareega Group-yada.

Semi-final-ka ayaa la ciyaari doona 6 bisha October iyo 7 bisha October ee sanadka 2021 ka hor inta aan final-ka la ciyaarin 21 bisha October 2021.

Intaas kadib waxa la ciyaari doonaa kulmada kaalinta 3-aad ka hor inta aan la ogaan kooxda si Rasmi ah ugu guulaystay koobka sanadka.

Waa Kuwee Xulalka u soo baxay Sem-final-ka tartanka UEFA Nations League?

Group A1Group A2Group A3Group A4
Italy Belgium France Spain 

 

Xulalkii kaalinta 1-aad kaga soo baxay 4-ta League A aya iska xaadiriyay Semi-finalka tartanka.

France ayaa ah xulkii ugu soo hor baxay kadib markii ay ka soo bexeen Group A3 oo ay kula jireen xulalka Portugal, Seweden iyo Croatia.

Xulka Spain ayaa ku xigay kadib markii ay garaaceen xulalka Germany, Ukraine iyo Switzerland halka xulka Italy uu ku dhamaystay kaalinta 1-aad ee Group A1 iyo Belguim oo ku dhamaystay Group A2 kuna garaacay booskaas xulak England.

Isku aadka wareega Semii-final-ka tartanka UEFA Nations League oo noqon doona mid fuan ayaa la samayn doonaa 3 bisha December 2020 si loo ogaado xulalka isaga hor iman doona Semi-final-ka.

Halkee lagu ciyaari doonaa Semi-finalka iyo Finla UEFA Nations League?

UEFA Nations League ayaa lagu ciyaari doonaa hal kulan waan dalka Italy kaas oo ku jira wareega Semi-final-ka.

Sii Akhriso: XASAASI: Somaliland Oo Dalka Ka Caydhisay Laba Lamaane Oo Somali Ah Oo Is Qaba Kuwaas Oo Diinta Kiristanka Ku Faafinayay Dalka & Faah-Faahinta Xogtaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*