Goorma Ayaa La Bilaabayaa Horyaalka Ingiriiska , War Ayaa Laga Soo Saaray

Ururika kubadda cagta Ingiriiska ayaa go`aamiyay goorta uu bilaabanayo horyaalka Ingiriiska kaasi oo lagu joojiyay wareeggiii 29-aad sababo la xariira faafitaanka xanuunka Corona .

Kaliya 9 kullan ayaa ka hartay waxa ayna ururka kubadda cagta Ingiriiska diideen in dib loo bilaabo xilli loo soo jeediyay in May la bilaabo .

Balse waxa ay isla garteen in kaliya la bilaabayo marka munaasib loo arko , sidaa darteed rajadii aheyd in biloowga May la ciyaaro hawada ayaa lagu laalay.

Waxa ay hoosta ka xariiqeen in dib loo bilaabi doono marka dhinacyada caafimaadka iyo dowlada arintaas isla meel dhigaan , waxaana hogaanka haysay Liverpool oo sida muuqata ku guuleysatay horyaalka .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*