Goolhayihii Hore Ee Arsenal Emiliano Martínez Oo Ceebaystay Kooxdiisii Hore Ee Gunners,

Goolhayaha Kooxda Aston Villa ee Emiliano Martínez ayaa xog cajiib ah ku ceebaystay kooxdiisii hore ee Arsenal horyaalka Premier League.

Goolhaye Emiliano Martínez ayaa isaga tagay kooxda Arsenal suuqii xagaaga isaga oo ku biiray kooxda Aston Villa si uu boos joogto ah u raadsado.

Tan ilaa markii uu ka tagay Arsenal Emiliano Martínez ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah oo uu la qaatay kooxdiisa Aston Villa.

Tan ilaa markii uu ka tagay Arsenal Goolhaye Emiliano Martínez ayaa horyaalka gaadhay guulo ka badan kuwa ay gaadhay Arsenal sidoo kale laga dhaliyay goolal ka yar kuwa laga dhaliyay kooxda Arsenal sidoo kale ilaashaday shabaqiisa kulamo ka badan kuwa ay Arsenal shabaqooda ilaashatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*