Goolhaye Dean Henderson Oo Hal Shardi Ku Xidhay In Uu Ku Soo Laabto Man United.

Goolhaye Dean Henderson ayaa lagu soo waramayaa in uu Man United u sheegay in uuna doonayn in uu kaydka u fadhiisto Goolhaye David De Gea marka uu ku soo laabto Kooxda.

Goolhayaha 23 jirka ah ayaa ku soo laabtay Old Trafford kadib 2 sano oo amaah ah oo uu ku qaatay kooxda Sheffield United kuna soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu Goolhaye Henderson Man United waydiisan doono in uu noqdo Goolhayaha 1-aad ee kooxda hadii ay doonayaan in uu sii joogo kooxda.

Henderson ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo shabaqiisa ilaashaday 13 kulan xilli uu De Gea sameeyay khaldaad badan oo dhibco ka lumiyay kooxdiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*