Goolhayaha Liverpool Ee Allison Oo Kashifay Kooxda Kaliya Ee Uu Uga Tagi Karo Liverpool.

Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson ayaa doonaya in uu ku laabto horyaalka dalkiisa Brazil si uu ciyaaraha ugu dhamaysto halkaas gaar ahaan kooxdiisii hore ee Internacional.

Goolhayaha Reds oo 28 jir ah ayaa qirtay in uu doonayo ku laabashada kooxdii yaraantiisa halkaas oo uu ku qaatay 14 sano.

Kadib 11 sano oo uu ku jiray kooxda da’yarka Alisson ayaa 44 kulan u saftay kooxda 1-aad isaga oo ku soo biiray kooxda Roma xagaagii 2016.

Liverpool ayaa kadib 2 sano kadib la soo saxiixatay iyaga oo ka dhigay Goolhayaha ugu qaalisan ka hor intii uuna Kepa kala wareegin rikoodhkaas.

Goolhayaha 1-aad ee xulka qaranka Brazil ayaa sheegay in uu ku laaban doono kooxdiisii hore.

Alisson ayaa u sheegay Globo Esporte: “Waxaan hayaa rabitaan ah inaan ku laabto Brazil, laakiin goorta ay dhaceyso, kaliya Ilaah ayaa og”.

“Waan ogahay inuu ilaahay wax ii hayo waxana aan rabaa in aan raaco qorshaha Illahay ee Noloshayda”.

“Laakiin qalbigayga ayaa raba ku laabashada Brazil”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*