Goolhayaha Everton Ee Jordan Pickford Oo Wajahaya Ganaax Adag & Virgil Van Dijk Oo Sabab U Ah

Goolhayaha Kooxda Everton ee Jordan Pickford ayaa wajahaya ganaax adag oo uga yimaada xidhiidhka FA-ga sabab la xidhiidha dhaawcii uu u gaystay xiddiga kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk.

Jordan Pickford ayaa dhaawac xun u gaystay daafaca Liverpool ee Van Dijk laakiin Garsooraha iyo VAR ayaan waxba ka odhan dhaawaca daafaca Liverpool.

Wargayska Daily Mail ayaa haatan sheegaya in uu Goolhaye Jordan Pickford wajahayo ganaax adag oo 3 kulan ah oo uga yimaada xidhiidhka FA -ga sabab la xidhiidha dhaawacii halista ahaa ee uu u gaystay Virgil Van Dijk.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xidhiidhka FA-gu dib u daawan doono dhaawaca Van Dijk hadii uu garsooruhu sheego in uuna arkin dhacdada.

Hadii uu FA-gu dib u eego dhacada oo la xaqiijiyo in uu dhaawacu yahay mid uu ka fogaan karay waxa dusha laga saari doonaa ganaax 3 kulan ah.

Sii Akhriso: Ciidamo Badan Oo Ka Tirsan Kuwa Gaarka U Tababaran Ee Dawlada Federaalka Somaliya Oo Loo Daad-Gureeyay Magaalada Jowhar + Sabab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*