
Waxa la soo afjaray todobaadkii 22-aad ee horyaalka premier League iyada oo chelsea guul 1/0 ah ka gaadhay kooxda Tottenham Xalay.
Todobaadkan waxa aan wax gool ah dhalin 3-dii xiddig ee ugu goolasha badan premier League xilli ciyaareedkan iyada oo uuna Mohamed Salah dhalin wax gool ah kulankii ay kooxdiisu guuldarada 1/0 ah kala kulantay Brighton.
Sidoo kale xiddiga Harry Kane ayaa kulankii ay kooxdiisu la ciyaartay Chelsea kus eegay dhaawac uu kaga maqnaa kooxdiisa kulamadii ugu dambeyay.
Xiddiga Son Heung-min ayaan isaguna wax gool ah dhalin taas oo caawisay xiddigihii kale ee goolasha dhaliyay.
Xiddigaha Bruno Fernandes iyo Dominic Calvert-Lewin ayaa ka faa’iidaystay arintaas iyaga oo dhaliyay min hal gool kulamadii ay ciyaareen kooxohoodu.
Xiddigaha Bruno iyo Dominic Calvert-Lewin ayaa haatan la goolal noqday xiddigaha Son Heung-Min iyo Harry Kane waliba kaga sareeya maadama ay iyagu kaga dambeeyeen goolasha.
Hadaba halkan kaga bogo liiska xiddigaha ugu goolasha badan premier League ilaa haatan xilli ciyaareedkan:
No. | Xiddiga | Kooxda | Xulka | Gooolasha |
---|---|---|---|---|
1. | Mohamed Salah | Liverpool | Egypt | 15 |
2. | Bruno Fernandes | Manchester United | Portugal | 12 |
3. | Dominic Calvert-Lewin | Everton | England | 12 |
4. | Harry Kane | Tottenham | England | 12 |
5. | Son Heung-Min | Tottenham | South Korea | 12 |
6. | Jamie Vardy | Leicester | England | 11 |
7. | Patrick Bamford | Leeds | England | 11 |
8. | Callum Wilson | Newcastle | England | 10 |
9. | Ollie Watkins | Aston Villa | England | 9 |
10 | Wilfried Zaha | Crystal Palace | England | 9 |
11. | Alexandre Lacazette | Arsenal | France | 8 |
12 | Marcus Rashford | Manchester United | England | 8 |
13 | Tomas Soucek | West Ham | Czech Republic | 8 |
14. | Danny Ings | Southampton | England | 7 |
15. | Harvey Barnes | Leicester | England | 7 |
16. | Ilkay Gündogan | Manchester City | Germany | 7 |
17. | Neal Maupay | Brighton | France | 7 |
18. | Raheem Sterling | Manchester City | England | 7 |
19. | Sadio Mané | Liverpool | Senegal | 7 |
20. | Jack Grealish | Aston Villa | England | 6 |
21. | James Maddison | Leicester | England | 6 |
22. | Roberto Firmino | Liverpool | Brazil | 6 |
23 | Tammy Abraham | Chelsea | England | 6 |
Be the first to comment