Gool Dhalinta Premier League Oo Meel Xasaasi Ah Maraya & Xiddigo Badan Oo Isku Dhagan.

Gool dhalinta horyaalka premeir League ayaa meel xiiso leh maraysa xilli uu sii xoogaysanayo tartanka loogu jiro horyaalka Premier League.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa wali hogaaminaya gool dhalinta inkasta oo uuna wax gool ah dhalin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay premier League.

Waxa kaalinta 2-aad ku wada jira xiddigaha isku kooxda ah ee Harry Kane iyo Son Heung-Min kuwaas oo wacdaro u dhigaya kooxda Tottenham.

Sidoo kale waxa isku goolal ah xiddigaha Bruno Fernandes, Dominic Calvert-Lewin iyo Jamie Vardy iyaga oo wada leh min 11 gool.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Leeds United ee Patrick Bamford isaga oo leh 10 gool waxa isku goolal ah xiddigaha Callum Wilson & Wilfried Zaha kuwaas oo leh min 8 gool.

Xiddigaha Alexandre Lacazette, Danny Ings, Marcus Rashford & Neal Maupay ayaa sidoo kale wada leh min 7 gool oo premier League ah.

No.XiddigaKooxdaXulkaGoolasha
1.Mohamed SalahLiverpoolEgypt13
2.Harry KaneTottenhamEngland12
3Son Heung-MinTottenhamSouth Korea12
4.Bruno FernandesManchester UnitedPortugal11
5Dominic Calvert-LewinEvertonEngland11
6Jamie VardyLeicesterEngland11
7.Patrick BamfordLeedsEngland10
8.Callum WilsonNewcastleEngland8
9Wilfried ZahaCrystal PalaceIvory Coast8
10.Alexandre LacazetteArsenalFrance7
11.Danny IngsSouthamptonEngland7
12.Marcus RashfordManchester UnitedEngland7
13.Neal MaupayBrightonFrance7

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*