Gool Dhalinta Horyaalka La Liga Oo Meel Xiiso Leh Maraysa & Suarez Oo Hogaanka U Qabtay.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Atletico Madrid ee Luiz Suarez ayaa hogaanka u qabtay gool dhalinta horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan kadib labadii gool ee uu ka dhaliyay koxoda Eibar.

Suarez ayaa guul ku hogaamiyay kooxdiisa Atletico Madrid isaga oo laab gool u dhaliyay isaga oo haatan la goolal ah xiddigii hore ee ay isku kooxda ahaayeen ee Lionel Messi.

Luis Suarez ayaa leh 11 gool laakiin hogaanka u haya horyaalka marka loo eego in uu isagu kaga dambeeyay gool dhalinta xiddiga Lionel Messi.

Waxa kaalinta 3-aad ku jira xiddiga kooxda Villarreal ee Gerard Moreno kaas oo dhaliyay 10 gool ilaa haatan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

May be an image of 1 person and text that says 'TOP SCORERS MATCHDAY1 11 LUIS SUÁREZ Atlético Madrid LEO MESSI FC Barcelona 10 GERARD MORENO Villarreal CF Plus5o0 Trade Online YOUSSEF EN-NESYRI Sevilla FC IQONIQ LaLiga IAGO ASPAS RC Celta de Vigo LaLiga Santander KARIM BENZEMA Real Madrid'

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Arin Ay Raggu Ka Doonaan Gabdhaha Kadib Guurka, Gabadheey Ku Dadaal Arimahan, Waa Muhiim.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*