Golden Shoe 2020-21: Lewandowski, Messi & Ronaldo Oo Isku Baacsanaya Kabta Dahabka Ah.

Gool dhalinta yurub ee xilli ciyaareedkan ayaa maraysa meel xiiso leh xilli ciyaareedkan iyada oo xiddigaha Cristiano Ronaldo, Lionel Messi & Robert Lewandowski isku baacsanayaan.

Xilli ciyaareedka yurub ayaa ku jira meel gaba-gabo ah iyada oo kulamo aad u yar ka dhimanyihiin dhamaadka xilli ciyaareedkan oo ahaa mid aad xiiso u leh marka laga hadlayo tartanka horyaalada.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa dhaliyay goolasha ugu badan ilaa haatan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 36 gool horyaalka Bundesliga.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kaas oo dhaliyay 26 gool horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib qaab ciyaareed heer sare ah oo uu ku jiro.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ku xiga isaga oo dhaliyay 25 gool ilaa haatan horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan isaga oo aan laftiisu wacdaro yar dhigayn.

Halkan Kaga Bogo xiddigaha goolasha ugu badan dhaliyay yurub ee u tartamaya kabta dahabka ah ee yurub:

  1. Robert Lewandowski | Bayern Munich | 36 Gool
  2. Lionel Messi | Barcelona | 26 Gool
  3. Cristiano Ronaldo | Juventus | 25 Gool
  4. Erling Haaland | Borussia Dortmund | 25 Gool
  5. ndre Silva | Eintracht Frankfurt | 25 Gool
  6. Kylian Mbappe | PSG | 25 Gool
  7. Harry Kane | Tottenham | 21 Gool
  8. Karim Benzema | Real Madrid | 21 Gool
  9. Romelu Lukaku | Inter | 21 Gool
  10. Gerard Moreno | Villarreal | 20 Gool
  11. Mohamed Salah | Liverpool | 20 Gool

Sii Akhriso: Waa Maxay Jacaylka Shuruudaha Leh & Jacaylka Shuruud La’aanta Ah & Farqiga U Dhexeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*