Go’aanka Mikel Arteta Ee Ku Aadan Mustaqbalka David Luiz Oo La Ogaaday.

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa raba inuu David Luiz sii joogo Kooxda Arsenal Sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa Arsenal ku soo biiray xagaagii hore markaas oo uu Gunners kaga soo biiray kooxda ay jaarka yihiin ee Chelsea isaga oo ugu yimid lacag dhan 8 milyan oo euro.

Luiz ayaa saxiixay laba sano oo heshiis ah markii uu ku soo biiray laakiin hal sano ayaa dookh ahaa taas oo la macno ah in ay Arsenal xagaaga dambe si xor ah ku waayi doonto xiddiga hadii ayna heshiis cusub ka saxiixan.

Shabakada caalamiga ah ee Goal.com ayaa sheegaya in uu tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta doonayo in uu Luiz sii joogo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Wararka ayaa sheegaya in uu Arteta xiddigii hore ee kooxda chelsea u arko xiddig fure u ah kooxda uu doonayo in uu dhiso xilli ciyaareedka dambe.

Advertisements

Sidoo kale Arteta ayaa aaminsan in uu Luiz muhiim u yahay in uu khibrad fiican siiyo da’yarka William Saliba Xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*