Go’aanka Liverpool Ee Ku Aadan Saxiixa Kalidou Koulibaly Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayi doonto inay lasoo saxiixato daafaca dhexe ee kooxda Napoli Kalidou Koulibaly marka la gaadho suuqa January.

Kadib markii uu sumacd ku samaystay in uu ka mid ah daafacyada ugu fiican adduunka Koulibaly ayaa la filayaa in uu u dhaqaaqo premier League iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha Liverpool, Man United iyo Man City.

Si kasta ha ahaatee Napoli ayaa doonaysay lacag dhan 75 milyan oo euro isaga oo iska sii joogay Italy suuqii xagaagii ee la soo dhaafay.

Kooxda Liverpool ayaa haatan la rumaysanyahay in ay Liverpool kor u qaadayso dadaalka ay ku doonayso saxiixa xiddiga Koulibaly.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay Liverpool isku dayi doonto in ay la soo saxiixato xiddiga marka la gaadho suuqa January.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*