Go’aanka Edinson Cavani Ee Ku Biirista Real Madrid Oo La Ogaaday.

Weeraryahanka Man United Edinson Cavani ayaa ka fikiraya inuu ka tago kooxda bisha January, sida ay wararku sheegayaan.

Xiddiga reer Uruguay ayuu heshiiskiisa kooxda Man United dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu booskiisa u waayay xiddiga Cristiano Ronaldo.

Sida laga soo xigtay wargayska Mundo Deportivo, Cavani ayaa diyaar u ah in uu isaga tago kooxda ku ciyaarta Old Trafford ee Man United suuqa January.

Weeraryahanka ayaan wali ciyaarin 90 daqiiqo oo dhamaystiran premier League xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya ku ekaaday 76 daqiiqo kulankii Everton.

Warkan ayaa imanaya kadib markii ay Real Madrid xiiso u muujisay saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiso weerarkeeda qaybta dambe xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Sifooyinka Lagu Garto Dumarka Halista Ah Ee Lacagta Jecel Laakiin Iska Dhigaya Kuwo Ku Jecel, Ninow Ka Fogow Waa Dhiig Miirato

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*