Go’aanka Edinson Cavani Ee Ku Aadan Maaliyada No.7 Oo La Ogaaday Kadib Markii Uu Jadon Sancho Dalbaday Lambarkaas.

Weeraryahanka Manchester United Edinson Cavani ayaa doorbidaya in uu sii haysto maaliyadiisa No. 7 halkii uu u Badali lahaa Jadon Sancho, sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Uruguay ayaa qaatay maaliyada markii uu ka yimid Paris Saint-Germain bishii October waxana uu ku soo bandhigay qaab ciyaareed fiican isaga oo ku dhaliyay 17 gool tartamada oo dhan.

Man United ayaa ugu dambayn heshay saxiixa Jadon Sancho waxana uu xiddigu haatanba ku baasay tijaabada caafimaadka isla markaasna waxa uu kooxda ka dalbaday No.7.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ayna Man United wali wax go’aan ah ka gaadhin Maaliyada No.7 ee uu Cavani u xidho kooxda.

Shabakada Four Four Two ayaa sheegaysa in uu Cavani doonayo in uu sii haysto Lambarka inta uu joogo kooxda waliba uuna diyaar u ahayn in uu u badalo xiddiga Jadon Sancho xitaa hadii ay kooxdu ka codsato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*