Go’aanka Barcelona ee Ousmane Dembele Oo La Ogaaday.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ayna iska dhiibi doonin xiddiga Ousmane Dembele waliba sii wadi doonto ka shaqaynta in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga reer France.

Xiddiga 23 jirka ah ayuu heshiiskiisu dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana la rumaysanyahay in uu xiiso ka helayo kooxda Man United.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kooxda Ronald Koeman diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga hadii ay hesho dalab lacageed oo dhan 45 milyan oo euro xagaaga.

Si kasta ha ahaatee wargayska Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona doonayso in ay sii haysato xiddiga reer France inkasta oo uu ilaa haatan diidanyahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona ku kalsoontahay in ay xiddiga Ousmane Dembele doonayso in ay sii haysato xiddiga waliba ku qanacsantahay in ay sii haysan doonaan xiddiga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*