Glen Johnson Oo Saadaaliyay 4-ta Kooxood Ee Ugu Saraysa Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Glen Johnson ayaa saadaaliyay in ay kooxaha Man United iyo Chelsea Leicester City ku garaaci doonaan 4-ta boos ee ugu saraysa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool iyo Man City ayaa ku dhamaysan doona 2-da boos ee ugu sareeya laakiin wali waxa loo tartamaya labada boos ee kale ee loogu soo boxo champions League xilli ciyaareedkan.

Leicester City ayaa haatan u muuqata mid ku soo laaban doonta champions League markii ugu horaysay tan ilaa markii ay ku guulaystay premier League Laakiin waxa ay haatan ku fashilmeen in ay guul gaadhaan 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Kooxda dacawooyinka lagu naanayso ayaa haatan kaalinta 4-aad ku jira iyaga oo hal dhibic ka dambeeya kooxda cheslea ee ku jirta kaalinta 3-aad hal dhibic-na ka horeeya kooxda Man United.

Xiddigii hore ee kooaha Chelsea iyo Liverpool ayaa saadaaliyay sida uu ku dhamaan doono xilli ciyaareedkan horyaalka premier Legaue iyo 4-ta koox ee u soo bixi doona champions League.

“Waxan u malaynayaa in ay chelsea iyo United buuxin doonaan 4-ta boos ee ugu saraysa horyaa”ayuu Johnson u sheegay Mirror.

“Waxa aan bixin lahaa jawaab kale hadii 6 todobaad ka hor la i waydiin lahaa su’aashaas laakiin marka la eego qaab ciyaareedka United iyo chelsea.”.

“Waxan u malaynayaa in yihiin kooxaha ugu fiican haatan waxana ay Leicester City kala bixi doonaan booska”.

Sii Akhriso: Shirkii Wada-tashiga Maamul Goboleedyada Somalia Oo Soo Xidhmay Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*