Gini Wijnaldum Oo Paul Pogba Fariin Uga Diray Ku Biirista PSG.

Gini Wijnaldum ayaa qirtay inuu ‘jeclaan lahaa in uu Paul Pogab u raaco kooxda PSG Isaga oo sheegay in uu xiddiga Man United ka mid yahay xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiican adduunka.

PSG ayaa kula wareegtay qaab xor ah bishan iyada oo uu xiddiga 30 jirka ah soo afjaray 30 sano oo uu jooay Liverpool halkaas oo uu ka mid noqday xiddigaha ugu fiican adduunka.

Xiddiga reer Holland ayaa ka mid ah 5 xiddig oo cusub oo PSG kula biiray kooxda PSG Sergio Ramos & Gianluigi Donnarumma kuwaas oo sidoo kale kooxda ku soo biiray.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda PSG ku dhawdahay in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadho xiddiga Paul Pogba iyada oo kooxdu doonayso in ay baanka u jabiso xiddiga.

“Waa xiddig cajiib ah, waan ka hor tagay isaga marar badan waana xiddig heer sare ah”ayuu Wijanladum u sheegay RMC.

“Koox walba way jeceshahay in ay hesho isaga”ayuu sii raaciyay.

“Hadii aad i waydiiso in aan doorto xiddig aan doonayo in uu igula soo biiro PSG waaxa aan dooran laaha Paul Pogba”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

Sii Akhriso: Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*