Gini Wijnaldum Oo Ka Hadlay Wararkii La Xidhiidhinayay Barcelona.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa hoos u dhigay xiisihii kooxda Barcelona intii lagu guda jiro suuqii kala iibsiga xagaaga.

WIjnaldum, oo 29 jir ah, ayuu qandaraaskiisa Anfield dhacayaa xagaaga soo socda, welina mustaqbalkiisa uma hibayn kooxda Anfield ku ciyaarta.

Waxaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Barcelona markii tababare Ronald Koeman Noqday tababaraha kooxda Barcelon bilowgii xagaagan.

Wararka ayaa sii xoogaystay kadib markii uu Thiago Alcantara ku soo biiray kooxda laakiin heshiiska ayaan dhicin ka hor intii uuna suuqu xidhni Wijnaldum Ayaana ka hadlay wararka la xidhiidhinayay Barcelona.

Wijnaldum ayaa yiri: “Uma maleynayo in xiisaha Barcelona ahaa mid dhab ah, hadii kale wax badan ayaan Akhrin lahaydeen ama wax badan ayaa dhici lahaa”.

“Ma jirin wax la taaban karo. Umana baahni inaan ka fikiro”.

“Waxa aan sii joogayaa Liverpool, waxa ay u muuqataa in uu heshiiskaygu dhici doono 10 bilood kadib”.

“Wax walbana way is badali karaan sababta oo ah kubada cagta wax walba ay ka dhacaan”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*