Germany Vs Japan: Labada Qaran Markii Ugu Horeysay Ayay Ku Kulmayaan Koobka Aduunka

Xulka Germany ayaa la ciyaari doona xulka Japan kulan ka tirsan Group-ka E ee koobka adduunka kana dhici doona garoona Khalifa International Stadium

Xulka Germany oo ka mid ah xulalka loo saadaalinayo koobka adduunka ayaa doonaya in ay guul ku bilowdaan tartanka isla markaas isla ilaaliyaan lama filaan uga yimaada xulka Japan.

Dhinaca kale xulka Japan ayaa kulanka u soo gali doona sidii ay ugu dagaalami lahaayeen sidii ay 3 dhibcood uga heli lahaayeen kulanka.

Kulanka: Germany Vs Japan

Tartanka: Koobka Adduunka

Wakhtiga: 4:00

Garoonka: Khalifa International Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Xulalka Germany iyo Japan ayaa ku kulamaya koobka adduunka markii ugu horaysay, Germany ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Japan laba kulan oo ay horay u kulmeen kuwaas oo ahaa kulamo saaxiibtinimo.

Germany ayaa ku guulaystay kobka adduunka 4 jeer waana xulka 2-aad ee ugu guulaysiga badan koobka adduunka iyaga oo 4 jeer ku guulaystay lana bar-baro ah Italy.

Xulka Germany ayaa markii 20-aad ka qayb gali doona koobka adduunka waana xulkii 2-aad ee rikoodhkaas gaadha kadb Brazil oo 20 jeer ka qayb galay koobka adduunka, markii ugu dambaysay ee ayna ka qayb galin koobka adduunka ayaa ahayd sanadkii 1950.

Germany ayaa gaadhay Semi-final-ka koobka adduunka 4 ka mid ah 5-tii koob adduun ee ugu dambeeyay iyaga oo ah xulka ugu badan ee sidaas sameeyay taariikha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*