Gerard Pique Oo Ku Soo Laabtay Tababarka Kooxdiisa Barcelona, Miyuu Taam U Noqon Doonaa Kulanka El Clasico.

Xiddiga Gerard Pique ayaa tababarka buuxa la qaatay xiddigaha ay isku kooxda yihiin Maanta oo Arbaca ah waana war uu ku farxay tababare Ronald Koeman iyo koxda Barcelona.

Daafaca dhexe ayaa ku dhaawacmay kulankii Lugta 2-aad ee Semi-final-ka Copa Del Rey-ga ee ay la ciyaareen Sevilla laakiin waxa uu ku raagay soo kabashada.

Laakiin tababaraha kooxda ee Ronald Koeman ayaa ku rajo weyn in uu xiddigu taam buuxa u noqon doono kulanka El Clasico ee 10 bisha April ee soo socota.

Soo laabashadiisa tababarka buuxa ayaa la macno ah in uu xiddigu dhawaan heli doono ogolaansho caafimaad oo dhanka waaxda caafimaadka ah si uu ugu ciyaaro kulamada kooxda kadib fasaxa xulalka.

Xiddiga ayaa haatan sii wadi doona tababarka uu la qaadanayo xiddigaha ay isku kooxda yihiin waxana la marin doonaa tijaabo ka hor kulanka Isniinta ee ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Real Valladolid.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 7 Wado Oo Cajiib Ah Oo Aad “Waan Ku Jecelahay” Ugu Odhan Karto Gacaliyahaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*