Gerard Pique Oo Farta Ku Fiiqay Cida Masuulka Ka Ahayd Guuldaradii Soo Gaadhay Kooxdiisa Kulankii Atletico Madrid.

Xiddiga Barcelona Gerard Pique ayaa weerar kulul ku qaaday weerarka kooxdiisa, ka dib markii ay guuldarro 2-0 ah ka soo gaartay Atletico Madrid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Koxoda Atletico Madrid ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay Barcelona iyaga oo uga mahad-celinaya Suarez iyo Lemar kuwaas oo labada gool kala dhaliyay labada qaybood.

Pique oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Maanu filayn guuldarada, manaan doonayn, laakiin waa in aan si fiican u nasano fasaxa xulalka kadib dib u bilowno”.

“Waxa aan kulanka ku bilaabanay si fiican, waxa ay nooga badiyeen 2 gool inkasta oo ayna helin fursado badan laakiin anagu waxa aan iska khasaarinay 3 fursad oo aan goolal ku dhalin karnay, arintaasna weeraryahada ayaa sabab u ah”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Sifooyinka Lagu Garto Dumarka Halista Ah Ee Lacagta Jecel Laakiin Iska Dhigaya Kuwo Ku Jecel, Ninow Ka Fogow Waa Dhiig Miirato

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*