Gerard Pique Oo Dirqi Looga Qabtay Garsoorihii Dhex-Dhexaadinayay Kadib Dhamaadkii El Clasico.

Inkasta oo uuna hal daqiiqo ciyaarin kulankii El Clsico hadana xiddiga Gerard Pique ayaa dareenkiisa mujiiyay kadib markii uu weerar ku qaaday garsoorihii dhex-dhexaadinayay ciyaarta kadib markii ay dhamaatay ciyaartii El Clasico.

Gerard Pique ayaa si toos ah u aaday Garsoore Jesus Gil Manzano kadib markii uu siidhiga afuuray si uu ula hadlo isaga oo hadalo kulul ku leh garsooraha laakiin waxa qabtay mid ka mid ah shaqaalaha tababarka kooxda Barcelona.

Pique ayaa si kulul ula hadlayay garsoore Jesus Gil Manzano isaga oo soo andhigay cadhadiisa xilli laga jiidayo garsooraha.

Xiddiga Pique ayaa ugu dambayn kaadhka digniinta ah loo taagay kadib markii laga qabtay garsooraha waxana uu markii damba garoonka ka baxay isaga oo si weyn u cadhaysan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*